| Hurda kama bogtoo Barkin baan ku tiirshaa Boga iyo calooshee Beerkan u seexdaa Bar barada ma qabanaayee. Anigoo bur burayoo. Dhinacyadu i barareen Waagu ii bariiyee. Boogtii jacaylka Wuxuu baaday Ayaan iga ba'inee Intii aan bad qabayee. Hawshiisu igu badan. Haba baran lahaya Ha uu bixin lahaayaa Iminka oo bastay ahay Baroor miyaa wax ıı qaban? Intii aan bad qabayee. Hawshiisu igu badan. Haba baraan lahaya Ha uu bixin lahaayaa Iminka oo bastay ahay Baroor miyaa wax ıı qaban? Ala bogsan maaya oo Bilicdi iyo nasiibkay Midna u baxsan waayee Haa bogsan maaya oo Bilicdi iyo nasiibkay Midna u baxsan waayee Cadceedaa bidhaantaa Ila baafi weydee Bil waliba bishii kale Igu sii ballamisoo Badal iigu dhiibtay Berri iyo manta Baxnaanadeeda Naftaa been u sheegee Intii aan bad qabayee. Hawshiisu igu badan. Haba baraan lahaya Ha uu bixin lahaayaa Iminka oo bastay ahay Baroor miyaa wax ıı qaban? Intii aan bad qabayee. Hawshiisu igu badan. Haba baraan lahaayaa Ha uu bixin lahaayaa Iminka oo bastay ahay Baroor miyaa wax ıı qaban? |